Menu
Taariikhdii Xiddigga Saleebaan Maxamed Maxamuud oo Kooban
.
Saleebaan Garaare wuxuu ku dhashay gobolka J/hoose, magaalada Kismaayo waxuuna ka mid ahaa ciyaaryahanadii heerka 1aad ee naadiga Muqdisho iyo xulka qaranka. Saleebaan Garaare wuxuuna ka ciyaari jiray khadka dhexe (center), wuxuuna ka mid ahaa ciyaaryahannadii faro ku tiriska ahaa ee ugu wanaagsanaa ee ka ciyaari jiray khatka dhexe. Saleebaan Garaare waa nin bashaash ah aadna u dabeecad wanaagsan waxaana haatan uu ku nool yahay dalka Denmark, waraysigaasi oo aad u dheeraa Saleebaan Garaare wuxuu kaga hadlayay taariikh nololeedkiisii iyo kii cayaaraha ama isboortiga, wuxuuna u dhacay sidan.
Cayaarahaswedan: Goormad bilowday Ciyaaraha? Yaase kugu dhiirigaliyay?
Saleebaan Garaare: Waxaan bilaabay ciyaaraha 1972dii, waxaana u saftay ama u cayaaray naadigii badda ama dekedaha ee Kismaayo oo aan ku soo caan baxay. Waxaa igu dhiirigaliyay oo aan oran karaa inay ahayd nafteyda iyo balwad aan u lahaa cayaaraha gaar ahaan kubbada cagta.
Cayaarahaswedan: Heerkee ka billowday ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Waxaan ku bilaabay kubbadda k/cagta oo ahayd heer xaafadeed, aniga oo markii ugu horraysay ku barbaaray xeebtii soo saaraysay laacibiintii qaaliga haddana u saftay tartankii u dhaxayn jiray xaafadaha iyo kan dugsiyada oo aan arday ka ahaa dugsigii Jamaal Cabdinaasir ee aan dhiganaayay.
Cayaarahaswedan: Ma ka qayb gashay tartamadii ciyaaraha gobollada?
Saleebaan Garaare: Haa waan ka qayb galay, 1976kii waxaan u saftay gobolka Jubbada Hoose, isreeb reebkiisii oo lagu qabtay Kismaayo waxaan ku soo baxnay kaalinta 1aad, markii aan u soo gudubnay Xamar waxaana qaadnay koobkii gobollada.
Cayaarahaswedan: Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii kuugu waaweynaa ee xusuusta gaarka ah kugu reebay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Markii aan qaadnay horyaalka k/cagta ee naadiga Muqdisho oo aan Horseed ka qaadnay horyaalka (2-1) iyo koobabkii isdaba jooga ahaa ee Cayaaraha Gobolada oo ay Kismaayo wax badan qaadatay.
Cayaarahaswedan: Kooxdee kuugu horreysay oo aad u ciyaartay heerka 1aad?
Saleebaan garaare: Waxaa iigu horreysay naadiga Horseed oo aan ku biiray 1976dii.
Cayaarahaswedan: Muddadii aad u safnayd kooxda Muqdisho wax guulo ah ma gaarteen?
Saleebaan Garaare: Guulo badan ayaan gaarnay oo ay ka mid ahaayeen Horyaalkii k/cagta oo aan qaadnay mar oo aan ku guulaysanay koobkii Jen. Daa`uud k/cagta iyo hal mar oo aan ku guulaysanay munaasabaddii koobka ramadaanka oo lagu qabtay Kismaayo.
Cayaarahaswedan: Goorma ayaad ku biirtay xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta wax ciyaaro caalami ahse ma ka qayb-gashay?
Saleebaan Garaare: Xulka qaranka waxaan ku biiray 1975tiii, oo aan u saftay mar aan la cayaarnay Al-Mariikh oo Suudaan ka timi, waana markii iigu horreysay oo aan habeen cayaaro nolosheyda.
Cayaarahaswedan:Ma waxaad tahay cayaaryahankii isagoon cayaarin gobollada iyo cayaaraha heerka koowaad (Seria A) u saftay xulka qaranka Soomaaliyeed
Saleebaan Garaare:Haa waxaan ahay cayaaryahanka keliya ee aan u safan cayaaraha gobollada iyo kan heerka koowaad isla markaana u saftay ama u cayaaray xulka qaranka Soomaaliyeed.
Cayaarahswedan: Kooxihii aad la ciyaartay wax ma ka xusi kartaa?
Saleebaan Garaare: waxaa ka mid ahaa kooxaha k/cagta qaranka, Kenya, Tanzaniya, Masar, Nayjeeriya, Siiriya, Suudaan iyo Kuwait.
Cayaarahaswedan: Maxaa ka mid ahaa guuldarrooyinkii kuugu xumaa intaad ku dhex jirtay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: Waxaa iigu xumayd ciyaar horyaalka kubbadda k/cagta ee Somaliya oo kooxda Horseed ay nooga adkaatay 2-1 ciyaar ku tirsanayd horyaalada Carabta oo ay naga adkatay kooxda Suudaan.
Cayaarahaswedan: Ciyaaryahannadee ayaad u jeclayd inay buuxiyaan garbahaaga markaad u cayaaraysay k/cagta
Saleebaan Garaare: Waxaan aad u jeclaa inay garbahayga buuxiyaan markaan u ciyaareyno xulka Qaranka k/cagta Saaxiibadaey Cafiifa, Binshaakir, Nuur Gaab, Shiikhaalow, Kukuow, Gebeley, A.Sawaaxile. Geela, Baani, Cabey, Silsilo.
Cayaarahaswedan: Ma jiraan guulo gaar ahaaneed oo aad ka gaartay ciyaaraha?
Saleebaan Garaare: labo sano oo isku xigta ayaan ku guulaystay tartanka horyaalka K/Cagta iyadoo la ii aqoonsaday ciyaartooygii ugu wanaagsanaa ee ka ciyaara dhexda koobna la igu siiyay.
Cayaarahaswedan: Ugu dambayntii maxaad talo ahaan u soo jeedin lahayd ciyaaryahannada Soomaaliyeed soo koraya ee ku nool dalka gudahiisa & dibaddiisaba oo doonaya inay horumar ka gaaraan ciyaaraha guud ahaan.
Saleebaan Garaare: Ugu horreyntii aad baan ugu faraxsanahay dhaqdhaqaaqyada isboortiga oo dhan ee ka jira dalka Soomaliya gudahiisa iyo dibaddaba, waxaana u hambalyaynayaa hogganka hagaagsan ama dadka hormuudka u ah oo gacanta ku haya inay ku dadaalaan siday u horumarin lahaayeen cayaaraha Soomaaliyeed. Iyo inay u dhabar adeegaan sidii ay sare ugu qaadi lahaayeen isboortiga qaybihiisa kala duwan. Waxaan kaloo aad u xusi lahaa in laga soo billaabo guryaha, goobaha waxbarashada, xarumaha bulshada isugu timaado, ilaa heerka ugu sarreeya ,caddaladuna ay noqoto furaha lagu furayo albaabka cayaaraha, lagana hufo qabyaaladda ama qabiilka iyo wixii kaloo cudur ku noqon kara, intaas ayaan talo u arkaa ama fikir.T

C/llahi Axmed (Somaliyow) Barnaamijkeena maanta ee Xiddigaha waxaan idinkugu haynaa taariikhdii C/llahi Ahmed oo bahda sportiga ay ugu yeraan Somaliyow.
Jamaame
Cabdulahi wuxuu ku dhashay magaalada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose. Waaguu yaraa, Aabihiis Cabdulqadir Bluu ( Allaha u naxariistee) ayaa ku dhiiri geliyey in uu ciyaartooy noqdu, waayo Cabdulqaadir naftiisa ayaa kooxaha Jamaame iyo Kismaayo u ciyaari jiray. Kolka waaxa dhihi karna Somaliyow raadkii aabihii ayuu raacay. Markuu soo barbaarayna kamid noqday ciyaartoodii ugu firfircooneed ee Degmada Jamaame halkaaso uu ahaa laf dhabarka kooxda Jamaame. Cabdulahi waxuu noosheegey in Jamaame eey aheed Braasiisha( Brazil) Jubbada Hoose, waayo caan bey ku aheed ciyaar wanaaga inta badana ka adkaani jirtay Kismaayo. Laacibiintii caan aheed ee waagaa Jamaame u safan jirtay waxaa ka mid ah; Cali Cubayd ( Allaha u naxariistee), Salaad Shiine,Sabtow, Xassan Shideeya, Iishow, Askarow, Buraaleh, Cumar Cadami iyo Cabdiraxiim Shiine iyo Bileey.
1974: Kismaayo
Cabdulahi Somaliyow wuxuu u wareegay kooxda Dekeda Kismayo halkaaso uu joogay ilaa iyo 1979. Intuu Kismaayo ka ciyaaray, Cabdulahi waxaa soo amaahaday Dekeda Muqdisho oo mudo lix bilood ah u ciyaarayey kadibna kooxdiisii Kismayo ku laabtay. Somaliyow wuxuu ka mid noqday xiddigaha cayaarah kubadda cagta ee Gobolka Jubbada Hoose iyo kooxda Badda, sababtoo ah wuxuu aha nin darbo dheer oo gool dhaliye ah. Wuxuu ku shaacbaxay No:9 oo waliba waxaa yaala( record) ah dhalis gool ciyaar kasta muddo laba horyaal ah ( laba sano). Taas waxay keentay in Somaliyow uu muteestay qadderin ka timid xagga bulshada Jubbada Hoose ku dhaqan.Cabdulahi waxuu noosheegay in ciyaartooy badan oo reer Kismaayo ah weli qalbigiisa eey ku qoranyihiin. Waxaana ka mid ah Diili Mahaadi, Abshir Bide, Khaliif Riiko, Aashaabir, Siciid Galti, Saanjo, Barkaan, Kuduungu, Diini Nuur, Cafiifi, Shaash, Xabaani, Tarzan iyo macallin Qariidi.
1983: USA
Cabdulahi Somaliyow, waxaa la yiraahdaa waa Aabihii Kubbada Cagta ee North America. Arrinkaa waxuu ku yimid, Isla markii uu yimid Mareekanka 1983dii waxuu ka qayb galay abaabulkii kooxda Washington Somali Stars oo uu weli xubin ka yahay. Haatan Cabdulahi waa gudoomiyaha kooxda Washington Somali Stars. Cabdulahi wuxuu wax barashadiisa ku dhameeysatay George Mason Univesity oo uu Masters ka qaatay . Waxaa kaloo Cabdulahi khibrad wax barasho u tegay University of Economics Beijin ( China), University of Economics Geneve( Switzerland) iyo Oxford University England.
Haatan Cabdulahi wuxuu ku noolyahay Chantilly, Virginia oo ku taal Washington agaggarkeeda una shaqeeya Library Of Congress, Washington DC. Cabdualhi Somaliyow waa xaas ( Nura Cabdi Buraleh) iyo 3 caruur ah oo kala ah Abyan, Amaan iyo Aragsan.
W/Q Mohamed Busuri
[email protected]

TAARIIKHDII M. MUUSE CALI
(XABAANI)
Waxaan ku bilaabayaa magaca EEBBE, mahad oo dhanna RABBI bay u sugnaatay Waxaaan halakan kusoo koobayaa taariikh nololeedkii maxamed muuse oo oran aan karo inay dad badan ka markhaati kaci doonaan
SHAQSIYADDII MAXAMED MUUSE C. (XABAANI)
Waa shaqsi dabci iyo dad wad u dhashay waxaa u dheer deeqsinimo, suugaan yahan aad ugu fiican murtida soomaalida iyo fankeeda kala duwan, waa linguistic luqad yahan ah oo afaf badan ku hadla sida sawaaxiliga, carabiga, talyaaniga, ingiriiska iyo afsoomaaliga, waa qareen aftahan ah oo codkar ah, dad iyo dal yaqaan ah, cilmi baare bulsheed oo xeel dheer, waa khabiir isboortiga yaqaan oo ku xeel dheer
WAXBARASHADIISII
Maxamed Muuse Cali Bootaan (Xabaani) wuxuu ku dhashay magaalada kismaayo xilli hadda laga joogo wakhti aad u fog inkastoo ay weli nooshahay umulisadiisii Ardo Dalmar, waxaa la dhashay hal wiil oo dhintay EEBBE ha u naxariisto oo la oran jiray Cabdulqaadir Muuse Goobdoon, Maxamed dugsigiisii quraanka wuxuu ka soo aflaxay macalinkiisii la oran jiray Macalin Ahmed.
Maxamed wuxuu waxbarashadiisii hoose ka bilaabay magaalada kismaayo isagoo ahaa arday fariid ah islamarkaana waxabarshada aad u jeclaa, wuxuu dugsigiisii hoose ka kasbaday, axsaab badan oo ay isku fasal wada ayaayeen kuwaasoo qaar ka mid ah isla gaareen ilaa heer jaamacadeed. Waxaa xusuus gaar ah leh dugsigii, barayaashii iyo ardaddii oo qiimo gaar ah u leh xusuustaas iyo waayaheedii
Waxabarshadiisii sare waxuu kaga qalin jabiyay dugsigii sare ee Ganaane kaasoo arday badan ka soo baxeen, Maxamed wuxuu ahaa mid aad uga dhex muuqday ardayda ay isku fasalka ahaayeen iyo kuwa ay wada dhiganayeen guud ahaan dugsiga Ganaane, runtii wuxuu aha araday firfircoon oo ay u dheer tahay fahmad iyo garsaho aqooneed oo dheeri ah, dugisgii sare ee Ganaane wuxuu uga sii gudbay waxabarsho jaamacadeed, wuxuu fursad u helay Jaamacadda Ummada Soomaaliyeed (JUS) qaybteedii shariciyada (Legge) oo halhayskeedii aha (La legge uguale da tutti). Taariikhdaas oo mudan qormo gaar ah in looga sheekeeyo ama looga taariikheeyo haddana waxaan ka soo qaadnaynaa intii aan ka gaari karno.
Runtii lama soo koobi karo xogta iyo taariikhdiisa gaarka ah, Maxamed wuxuu aha amid ka dhex muuqday arday jaamacadda Gahayr oo dhan gaar ahaan qaybta sharciyada, marka laga eego dhinacyo badan, wuxuu caan ku ahaa jacaylka waxbarsahada iyo isboortiga, waxaana markhaati ka ah ardaydii soo maray qaybta sharciyada oo ay Maxamed isku fasalka ahaayeen iyo intii kale ee sida gaarka u tiqiinay, gaar ahaan tartamadii iyo cayaarahii isboortiga ee kala duwanaa oo lagu qaban jiray JUS qaybaheeda kale. Wuxuu mas’uul ka soo noqday jaamacadda qaybteeda sharciyada isagoo aasaasay (dhagax dhigay) urur u dooda ardayda si ay u yeelato xuquuq dhamaystiran oo kaamil ah, kaasoo ardeyda u sahlaysa ama u fududaynaysa baahida gud sida waxbarsahada iyo nolosha, waana mid uu ku amaanan yahay dadaalkaas uu aasaaskeedu isagu lahaa.
TAARIIKHDII ISBOORTIGIISII
Taariikhdii cayaaryahanimadiisii, wuxuu ku dhashay guri isboorti iyo magaalo isboortiga aad looga xiiseeyo, isaga iyo walaalkiiba EEBBE ha u naxrristee waxay ahaayen cayaartooy cayaara qaybaha kala duwan ee iisboortiga sida kubbda koleyga (baasket-ka), kubbada cagta, tenniska pings-ka IWM. Firfircoonida uu u qabay cayaaraha waxay ahayd mid uu yaraan ku muujiyay ama ilmonimadiisii ay ka muuqatay, xilliyaddii uu soo hanaqaaday waxaa magaalada ka jiray kooxo aad u tiro badan islamarkaana isboortigu uu xiiso gaar ah lahaa,
Wuxuu ka soo bilaabay inuu ka cayaaro xaafadda u deganaa halkaasoo uu kusoo caan baxay iyadoo loo cayaari jiray tartanka xaafadaha ee magaalada Kismaayo oo aan kala dhicin ama kala yaraysan ragga u kala saftana xaafadaahaas ay ahaayeen cayaartooy firfircoon oo xariif ku ahaa kubbada RAABINA hibo u siiyay waa mid aan maanka la soo marsiin karin, Maxamed Muuse Xabaani wuxuu ahaa dhallintaa yar yar ee aadka u jeclaystay inuu ka dhex muuqdo cayaaraha kubbada cagta isagoo lahaa hibo gaar ah iyo u jajabnaa gaar ah oo ku muujinayay jacaylka uu u qabo hiwaayadiisa, waxaa u dheera xeel iyo xoog uu ku hanan karo isboortiga (Qaab isboori joog iyo jamaal), wuxuu u saftay ardaydii dugsiyada magaalada halkaasoo loo qaatay da’ yarta mustaqbalka junior, wuxuu islamarkiiba ku biiray kooxdii Warshadda Hilibka oo markaa noqotay koox runtii u badan arday waxayna ahaayeen kooxda keliya oo si gaar ah u qaadata ardayda si ay ugu dhiiri geliyaan tacliinta iyo cayaaraha inay isku wadaan oo ay ka saaqidin waxbarshada inkastoo kooxaha kaleba ay lahaayeen ayday waxbarata haddana warshadda hilibka waxay u hayd astaan gaar ah uruurinta ardayda inkastoo ay jireen kuwo aan iskuul dhigan.
KOOXDII WARSHADDA
Taariikhdii isboortiga gaar ahaan xilligii uu Xabaani u safan jiray kooxdaa warshadda hilibka waxay ahayd wakhtigii ugu xiiso iyo xamaasadda badnayd ama fiicnayd isboortiga Kismaayo, waayo waxaa abuurmay kooxo badan oo kala duwan oo mushahar ku bixiya qaybaha kala duwan ee isboortiga sida kubbada cagta, koleyga, volly-ga, dabaasha, oroddada, tenis-ka, boodada IWM. Waxaa jiray dad badan oo xiiso gaar ah iyo dhiirragelinba u hayay sida rag, dumar, waalid, walaal, saaxiib, dhallinyaro, waayeel, mas’uuliyiin, hantiilayaal (tujaar), ajnabi, shirkado ama kuwo iskood isu kaashaday oo rabay inay taageeraan isboortiga. Waxaa jiray kooxo kale oo dibadda kaga iman jiray gobolka oo mar kasta rabay inay laacib ka qaataan gobolka
Maxamed wuxuu ahaa xiddig ka dhex muuqaday garoonka iyo dhallintaba, wuxuu kasbaday maskax iyo maan taariikheed oo galay ama buuxiyay taageerayaal badan oo jeclaa isga iyo cayaartiisa inta ka soo horjeedda ama aan jeclayn waxay jeclaan jireen marka la xulayo xulka gobolka jubbada hoose markaas oo ilmo gaar ah ka iman jirtay markay arkaan sida cajiibka lahayd ee uu u difaaci jiray goolka gobolka iyo sharafta kooxda gobolka, waxaa mid sabab u ahaa guulo waaweyn oo uu gobolka u soo hoyiyay iyo guulo ay kooxada warshadda gaartay isagoo rag qaar uu xusuus gaar au u hayo markay garbihiisa soo buuxiyaan iyagoo gashan funaanadii kooxda warshadda hilibka iyo tan gobolka oo iyadauna qiime gaar ah u lahayd, Maxamed wuxuu ahaa nin hal abuur leh muddada lagu cayaaro garoomada iyo jawiga kala duwan sida roobka, iyo habeenada nalka lagu cayaarayo oo ay laacibiin badan dhib weyn ku qabeen haddii ay noqon lahayd kabaha gooya cayaartoyga ama dhaawaca ka soo gaara xagga jirka iyo maskaxda, wuxuu ahaa cabqari hilmaamnsiiya ama gudbiya xaaladdaas cakiran, wuxuu ahaa sheekaaloow, kaftan badan oo ay jecel yihiin dhammaan laacibiinta kala duwan sida kuwa la jira oo ay isku kooxda yiihiin, waxaa si gaar ah uga heli jiray sida uu qurxiyo oo uu xamaasadda gaarka ah ugu yeelo kubbada cagta kuwa ay iska soo horjeedaan oo inta badan dhex mari jiray kaftan sare.
WAXQABADKIISII
Maxamed maadaama uu ahaa jaamici sharci yaqaan ah kana qalin jabiyay JUS wuxuu ka soo shaqeeyay gobollo badan badan oo dalka ka mid ah, qaarka aan ka xusuusto waxaa ka mid ah Kismaayo, Muqdisho iyo Galguduud gaar ahaan Dhuuso mareeb oo markii uu tagay ahayd meel aan sharci, xeer, qawaaniin iyo kala danabaynba midnaba oolin, wuxuu u hoggamiyay magaaladaas iyo gobolkaba caddaalad, xaqsoor, kala danbayn aan ebid la helin, waxay u noqotay taariikh kayd ah isaga iyo degaankii Dhusamareeb.
Dadkii reer Dhuuso mareeb waxay u bixiyeen magacyo badan oo ay ugu yeeri jiray qaar duco, midab, geesinimo, iyo cadli tilmaamayay. Inkastoo ay dhammaan wada hirgelin, haddana waxaa bi’i waayay ama tirmi waayay Xabaani oo ahayd naanaystii yaraantiisii hanaqaaday oo waa hore taabagashay.
GUNAANAD
Maxamed wuxuu maanta ku nool yahay waddanaka Mareykanka wuxuuna ka shaqeeyaa xasfiiska arrimaha bulshada, wuxuu inta badan xilliyadiisa firaaqada ku mashquulaa qorista qoraallo iyo xog uruurin ku saabsan soomaalida iyo marxaladda adag ee hadda ku jirto iyo xalka dhabta ah ee nabad waarta lagu gaari karo ama lagu heli karo iyadoo laga faaiideysanayo dhammaan dhacdooyinkii adduunku horey u soo maray haddii ay noqon lahayd waddamadii soo maray dagaalka sokeeye iyo kuwa soo maray caqabadaha siyaasadeed, dhaqaale iyo bulshada.
Qore A/Qaadir Suge salowo somalistartv stockholm
...