Menu
waxan halkan uga direynaa Hambalyo said mohamed ali iyo maryan mohamed omar oo dhawaan wiil ugu dhashay magalada stockholm ee dalka sweden wiilkaas oo loo bixiyay maahir waxan ilah uga baryeyna mid dalkisa iyo diintisa iyo walidkaba anfaca
xaflad lagu tagerayay dib udorashada madaxweynaha jubbalnd mudane axmed maxamed islam oo si heersare ah uga qabsontay magalada stockholm hoos kadaawo sawrida
Wasiirka Tacliinta Sare iyo Waxbarashada ee
P U N T L À N D
Dr Cali Xaaji Warsame ayaa soo gaaray Stockholm, Sweden isagoo ka helay casumaad lana kulmi
Waaxda Arimaha Dibbada Sweden
Hay'adaha ka hawlgala Sweden
Iyo Ururada waxbarashada sidoo kalana Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee KU Dhaqan Stockholm
Xafladan oo ay
soo agaasimeen Jaaliayda Soomaalida ee wadanka Norway gaar ahaan
Jaaliyada ku dhaqan magaalada Oslo waxaa ka soo qayb galey qaybaha kala
duwan ee bulshada iyadoo khubado kala duwan ay halkaasi ka jeediyeen dad
kala duwan oo magac iyo maamuus ku leh dalka Norway.
Xafladan oo ay xariiriye ka aheyd Sahro Cali Cismaan oo ka mid ah Jaaliyada Soomaalida ee magaalada Oslo waxaa ugu horeyn ka hadley Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaalida ee wadanka Norway Cabdiwahaab Maxamed Siciid oo ka warbixiyey ujeedada xaflada isagoo faahfaahin dheer ka soo qayb galayaashii uga warbixiyey sababta ay u go’aansadeen inay ku soo dhaweeyaan dalka Norway siyaasi Cali Cabdi Awaare oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee sida weyn looga yaqaan deegaanada Soomaalida. Cabdiwahaab wuxuu sheegay in siyaasi Awaare ay u aqoonsan yahay shakhsi wax weyn ka badali kara xaaladaha dalka uu ku jiro isagoo sheegay in ay ka warhayaan in uu wax weyn ka qabtey xaaladaha horumarka iyo maamulka ee deegaanada Puntland mudadii uu xilalka wasiir soo qabtey. Cali Cabdi Awaare oo khubad dheer halkaasi ka jeediyey ayaa wuxuu ugu horeyn mahadcelin u soo jeediyey jaaliyada Soomaalida ee dalka Norway gaar ahaan magaalada Oslo kuwaasi oo xaflada qabtey iyo soo dhaweynta Awaare. Awaare wuxuu sidoo kale ka hadley arimaha qorshihiisa ku aadan u tartamida xilka madaxweynaha Soomaaliya wuxuu sheegay in hadii uu ku guuleysto xilkaasi uu wax weyn ka badali doono xaalada dalka gaar ahaan arimaha amaanka, dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta ummada Soomaaliyeed, isagoo dhanka dib u dhiska tusaale wanaagsan u soo qaatey mudadii uu ahaa wasiirka dawladaha hoose & horumarinta reer Miyiga ee Puntland in uu ku guuleystey in uu soo dhiso maamulada degmooyin ka tirsan gobolada Puntland taasi oo uu sheegay inay noqotey tusaale wanaagsan oo ku aadan dhanka maamulka in laga soo bilaabo hoose taasi oo ah nidaamka dimuqraadiyada. |
|
|
|
MUQDISHO waa caasimada dalka Soomaaliya waxey kutaalaa galbeedka badweynta Hindiya, waa magaalo qurux badan oo indhuhu soo jiitaan, oo aay badweynta Hindiya kaga wareegsan tahay sadex jiho.
Waxaa magaalada Muqdisho dhidibada loo aasay waqti aad u fog oo aay taariikhyahanada isku qilaafeen in magaaladaas la aasaasay qarnigii 2aad ama kii 3aad ee taariikhda miilaadiga.
Muqdisho waxey ahaan jirtay xarun ganacsi iyo marin kala qeybiya Hindiya iyo yurub (inta aan la qodin kanaalka suweys) iyo jaziirada carabta iyo xeebta Afrikada bari Magaalada Muqdisho waxey ka koobnaan jirtay 6 xaafadood ama tuulo oo aay deganaayeen qabaail, xaafad kasto waxaa xukumi jiray Sheekh, xaafadaha waxey lahaayeen golaha odayaasha sida qaabka federaalka ah oo kulmiya dhamaan xaafadahaas loogana tashan jiray arimaha magaalada Qarnigii 4aad ee miilaadiga magaalada Muqdisho isku badashay nidaam ama maamul u eg saldanad.
MAGACAABIDA MAGACA MUQDISHO
Waxaa kaloo Taariikhyahanada isku qilaafeen magaca (Muqdisho) asal ahaan meesha uu kasoo jeedo, waxaa lasheegay in magaalada markeedi hore la dhihi jiray (Xamar) iyo magacyo kale oo lamid ah sida (Xamar jab jab) (Xamar Cade), waxaa macquul ah in magacyadaas dhamaan magaalada loogu yeeri jiray waqtiyo kala duwan aay magaalada qadiimka ah aay soo martay, sida isbadalada xaga qaabka dhismaha , degaanka iyo siyaasadaba Qaar kamid ah taariikhyahanada ayaa waxey cadeeyeen magaca (XAMAR ) uu horeeyay , laakinse hadana waxaa aay isku qilaafeen micnaha (XAMAR) , oo ah magac bulshadu aad u taqaan weliba dhanka suugaanta iyo maah maahyada , Soomaalida ilaa iyo waqtigaan aan ku jirno wey adeegsadaan magaca (XAMAR).
Micnaha (XAMAR) carabi ahaan waa (Alxamraa), qaar kale magacaas waxey ku macneeyeen oo sheegeen inaay ka timid kalmada (XIMYAR) oo aheyd dowlad Islaamka ka hor xukumi jirtay yaman , dowladaas waxey gacanta ku haaysay ganacsiga xeebaha bariga Afrika oo kamid ah magaalada Muqdisho,
Magacaabida magaalada Muqdisho waxaa lasheegaa in magacaas asal ahaan uu yimid kalimada (Maqcad Shaah) oo loola jeedo kursiga Boqorka ama micnaha kale meesha ku jira (meesha ugu wanaagsan ee boqorka fadhiisto ama xarun ka dhigto), sida lasheegay Muqdisho waxaa qarnigii 6aad ee hijriyada xukumi jiray faarisiyiinta marka soomaalida wey kari waayeen ku dhawaaqida (Maqcad Shaah ) waxeyna u badaleen magaca hada (Muqdisho) kalmada waa laba erey kala duwan ereyga Maqcad waa carabi ereyga labaad shaah waa faarisi oo loola jeedo boqor . maka taas maloo macneyn karo in magaalada aasaasideedi dadka faarisiyiinta aay qeyb ku lahaayeen , maxaa yeelay ereyada faarisiga aad ayaa looga isticmaali jiray magaalooyinka carabta iyo xeebaha soomaaliya waqti aad u fog Waxaa aay badi taariikhyahanada qireen in magaalada Muqdisho uu Islaamka soo gaaray inta aay magaaladaas soo shaac bixin , waxeyna soo soo shaac baxday baxday markii aay dadka magaalada dhamaan diinta Islaamka aay wada galeen oo aay noqdeen dad aad looga yaqaanp gobolka , taas oo keentay in dhamaan xeebaha Afika bari oo ka kooban (Zinjibaar ,Somaaliya , Jabuuti) loogu yeero Muqdisho Magaalada Muqdisho markii aay dadkeedi Islaamka galeen markaas oo aheyd qarnigii 1aad ee Hijriga, waxey noqotay darbiyadii adkaa ee difaacay Islaamka Afrika.
Qaar kamid ah taariikhyahanada waxey sheegeen in dadka asal ahaan u dhashay magaalada Muqdisho aay ahaayeen dad aay ku badan yihiin Culimada iyo raga diinta lagu yaqaan kuwaas oo horsed ka ahaa dhaqdhaaaqyadii fidinka diinta Islaamka ee Soomaaliya isla markaana dowr weyn kasoo qaatay in aay diinta Islaamka ku fido bariga , bartamaha iyo koonfurta Afrika, dadkaas firkoodi ilaa iyo waqtigaan waxey kunool yihiin magaalada Muqdisho ee qadiimka ah.
ASAASIDII MAGAALADA MUQDISHO
Taariikhyahanada waa aay isku qilaafsan yihiin waqtiga la aasaasay magaalada muqdisho , qaar kamid taariikhyahanada yurub ayaa sheegay in magaalada Muqdisho la aasaasay qarnigii 7aad ama 8aad ee miilaadiga , laakin kuwo badan ayaa waxey sheegeen wax taasi qilaafsan.
Kitaabka taariikhda magaalada Baata (xeebta Afrikada bari) ee lagu qoray afka Sawaaxiliga ayaa waxaa ku qoran qofkii ugu horeeyay ee magaalooyinka xeebaha Afikada Bari aasaasay uu ahaa Khaliifkii Cabdulmalik Ibnu Marwaan sannadku markuu ahaa 77 hijriga, kadib markuu maqlay wararka magaalooyinkaas , wuxuu markaas rajeynaayi inuu halkaas ka dhiso boqortooyo cusub Cabdulmalik Ibnu Marwaan wuxuu halkaas usoo diray rag Suuriyiin , kuwaas oo ah dadkii dhisay magaalooyinka (Baata ) (Malindi) (Zinjibar) (Laamo)
Taariikhyahan Taliyaani ah ayaa wuxuu sheegay inaay aay magaalada Muqdisho ahaan jirtay Islaamka ka hor magaalo weyn
Markii Islaamka uu ku faafay magaalada Muqdisho waxey noqotay meel aay soo hijroodaan dadkii carabta ahaa, dadkaas oo halkaas ka abuuray canacsi
Iyo fidinta diinta Islaamka ilaa aay magaalada ka noqoto Minaaradii diinta ee Afrika, dadkaas firkoodi ilaa waqtigan xaadirka ah waxey weli ku noolyihiin magaalada Muqdisho iyo xeebaha Banaadir oo dhan nin magaciisa la dhihi jiray ‘’Ismaaciil Ibn Cumar Ibn Muxammed’’ , ninkaan wuxuu kasoo jeeday reer ‘’ Banii Cafaan’’ wuxuu magaalada Muqdisho uu yimid sannadkii 149 hiriyada.
IBNU BATUUTA IYO MUQDISHO
socday ku dhaheen ninkaan maaha ganacsade ee waa Faqiih , markaas ayey qeyliyeen dhalinyaradii iyagoo ku dhawaaqayay
ninkaani wuxuu marti u yahay Qaadiga magaalada.
waxey igu dhaheen waxaa caado inoo ah markuu magaalada yimaado Faqiiq ama Shariif amaba nin wanaagsan waxaa markiiba loo geeyaa Qaadiga magaalada si uu ula kulmo Suldaanka markaas ayaa waxaa ley geeyay Suldaanka magaalada oo aan la kulmay.
Ibnu Batuuta warbixintiisa wuxuu uga waramay qaabkii wanaagsanaa ee loo soo dhaweeyay iyo marti soorkii ee sadexda maalin ah ahaa ee aay reer Muqdisho u sameeyeen.
Ibnu Batuuta wuxuu yiri: maalintii afaraad ee booqashadeydi magaalada Muqdisho ayaa waxaa ii yimid Qaadiga magaalada iyo ardayda iyo mid kamid ah wasiirada, waxeyna iikeeneen maro’’macawis’’ iyo maro kale garbaha lasaarto iyo camaamad sida kuwa masaarada oo kale , sidoo kale waxe maryo kuwaan oo kale u keeneen dadkii aniga ila socday , kadib waxaan soo aadnay Masjidka jaamica , Suldaanka ayaan salaamay , kadib asigana wuxuu igula hadlay afka Carabiga asiga oo dhahay ‘’ Qadamta kheyra maqdam , wa sharafta bilaa dana, wa aanastanaa’’ taas la micno ah ‘’ waxaad timid meel kheyr badan , wadankeena ayaad sharaftay waadna nasoo wehlisay ‘’
MASAAJIDA MAGAALADA MUQDISHO
Magaalada Muqdisho waxey ku caanbaxday masaajido waaweyn oo taariikh fog leh ,oo ahaan jirtay goobahii cilmiga loo soo doonan jiray lagana baran jiray culuunta kala duwan , waxaan looga imaan jiray geeska afrika oo dhan waxaa masaajidadaas aay ku caan baxday xalaqaadka tafsiirka , Xadiithka , fiqhiga .
maamulkii Muqdisho ka jiray waxey ku tartami jireen dhisida masaajida iyo gaabaha lagu barto diinta Islaamka.
Masaajida Muqdisho waxaa kamid ah :
1-Masjidka Xamar-Weyne (jaamacada) waxaa leysku wada raacsan yahay inuu yahay masjidka ugu fac weyn magaalada Muqdisho , waxaa masjidkaas la dhisay 630 hijriga , masjidka wuxuu leeyahay 81 tiir .
2- Masjidka Arbaca-Rukun oo ladhisay bartamihii qarnigii 7aad ee hijriga
3- Masjidka Faqrudiin oo la dhisay 667 hijriga , masjidkaan wuxuu ku caan baxay oo dabiyadiisa aay leeyihiin naqshada kala duwan oo aad u qurux badan oo ka sameysan ruqaan
4- Masjidka Axnaafta oo la dhisay qarnigii 7aad ee hijriga , markii gumeysigii Taliyaaniga dalka qabsaday wey dumiyeen masjidkaas waxey ka duldhiseen baar aay u bixiyeen ‘’ BAR SAVOY’’
DOWLADIHII IYO MAAMULADII MUQDISHO KA TALIN JIRAY.
Waxaa magaalada Muqdisho soo xukumi jiray dowlado iyo Saldanado , maamuladaas qaarkoodi waxaa sameeyay dadkii ugu horeeyay carabta ahaa ee halkaas soo degay , qaar kalena waxey kamid aheyd qeyb katirsan qilaafadii Islaamka ee waqtigaas jirtay iyo maamulo aay sameysteen qabaail soomaaliyeed iyo kuwii isticmaarka.
Waxaa dowladahaas kamid ahaa:
1- dowladii Ximyar : waqtigii ‘’ Ascad ibn Karb ‘’ oo ahaa mid kamid ah boqoradii ka talin jirtay yaman qarnigii 4aad ee Miilaadiga , dowladaan waxey kaloo soo xukuntay magaalooyinka’’ Marka’’ baraawa
2- dowladii Umawiyiinta waqtigii Cabdulmalik Ibnu Marwaan
3- dowladii Xalawaan oo Muqdisho ka talineysay qarnigii bilowgii qarnigii 6aad ee hijriga , waxaan magaalada xukumayay Maxamed Shaah ka tirsanaa maamulka Xalawaan ee Ciraaq.
4- dowladii Zuzaan oo bartamihii qarnigii 6aad ee hijiriga Muqdisho xukumayay.
5- dowladii Shiiraaziyiinta oo qarnigii 7aad hijriga , dowladaas waxey ku caan baxday dhisida Masaajida waaweyn oo leh qaab faarisi.
6- dowladii Faqrudiin oo aasaasay Suldaan Abubakar Faqrudiin , qarnigii 13aad ee Miilaadiga , kadib markii uu ku guuleystay inuu soo afjaro qilaaf ka dhaxeeyay qabaailkii Muqdisho deganaa.
7- dowladii Burtaqiiska oo magaalada Muqdisho xukumayay waqti gaaban sannadkii 1502 Miilaadiga , Burtaqiiska waxey dadkii Muqdisho deganaa kala kulmeen iska cabin xoog leh oo aay ku diidan yihiin maamulkoodi.
8- dowladii Mudafar oo Muqdisho xukumeysay bilowgii qarnigii 6aad ee Miilaadiga.
9- dowladii Yacquub oo aay aheyd Saldanad aay sameeyeen dad Soomaali ‘’Qabiilka Abgaal’’, Suldaanadii ee dowladaas wuxuu ahaa ‘’ Suldaan Xaaji Cumar Hilowle,,
10- dowladii Cumaan waa waqtigii Suldaan Barqash oo ahaa suldaankii Sinjibaar oo xukumayay xeebaha bariga Afrika bartamihii qarnigii 18aad ee Miilaadiga, markaas waxey magaalada Muqdisho siyaasad ahaan raacsaneyd Suldaankii reer Cumaan ee joogay Sinjibaar.
11- dowladii Taliyaaniga oo magaalada Muqdisho qabsatay 1892 Miilaadiga , kadib markii hashiis la gashay Suldaankii reer Cumaan ee Muqdisho katalinaayi inuu ka tanaazulo xukunka ee uu qaato lacag dhan 140 kun Rubiya sannad walba.
Bilowgii 50 meeyadii waxey magaalada Muqdisho heshay maamul dowlad hoose ah , intii lagu guda jiray xurnimo raadinta 1950-1960.
1960 kii markii xurnimada la helay waxey magaalada Muqdisho noqoday caasimada dalka Soomaaliya.
BANADIR MEDIA
|
|
Somalia Pictures
Cheap Flight to Somalia
Flights To Somalia
- Development in Somalia We work amidst conflict to fight
poverty. Join us by donating now.
www.mercycorps.org - Mogadishu flyg Köp din biljett till Mogadishu
och boka ett hotell i Mogadishu!
Mogadishu.Tripadvisor.se - Flight Somalia Spotgoedkope Flight Somalia
Flight Somalia via VERGELIJK.NL!
Vergelijk.nl/vliegtickets - Fly Somalia Cheap Flights to Somalia
Compare Prices and Book Now!
www.momondo.com